TOOS U DAAWO: Madaxweynaa Koonfur Galbeed Shariif Xasan Iyo R/Wasaaraa Itoobiya Oo Ku Kulmay Magaalada Addis Ababa.

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen magaalada Addis Ababa.

Shariif Xasan Safarkiisa ayaa waxaa ku wehlinaayay tiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa, waxa uun Socdaalkiisu yahay mid salka kuhaya khilaafka kala dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka Jubbland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan ayaa waxa uu kulan hordhac ah la qaatay Ra’isul wasaaraha Dalka Itoobiya, Wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda dalkaasi, oo ay kawada hadleen arrimaha Khilaafka iyo xal ka gaaristiisa ka dib markii maleeshidaya Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ku dhawaaqeen baarlamaan boob ku dhisan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Haile Manam Desalegn, iyo Wasiirka Arimaha Dibadda itoobiya Mr.Tedros adhanom
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.