DHAGEYSO:- Bank-moon oo Danjire Cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ansixiyay magacaabista cusub ee Peter de Clercq oo noqonaya Ku xigeenka Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM).

Mr Ban ayaa warbixintiisa ku sheegay in Sidoo kale de Clercq,uu u shaqeyn doono isu- duwaha Qaramada Midoobay, ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey iyo Barnaamijka Horumarinta (UNDP).

Mas’uulkaan cusub ayaa u dhashay dalka Netherland,wuxuuna bedelayaa Philippe Lazzarini oo ka soo jeeda dalka Switzerland,,kaasi oo dhawaan baneyn doono booska,isagoo la sheegay inuu ku biirayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Lebanon.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon ayaa kaga Mahad celiyay Philippe Lazzarini shaqadii adkeyd uu ka qabtay Soomaaliya.

Sidoo kale,Sarkaalka cusub de Clercq ayuu u rajeeyay inuu qibradiisa ku biirin doono maareynta habka siyaasada,hormarinta amaanka iyo maareynta howlgalada deg dega iyo kuwo kale oo fara badan oo ka jira Soomaaliya.

Danjire Peter de Clercq,ayaa shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobay,isagoona soo noqday Kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Howgalka xasilinta dalka Haiti.