TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay iney Fashilisay weerarkii saaka ka dhacay Cadaado

0

Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay weerar saaka ka dhacay meel ku dhaw Xarunta ay degan yihiin ergooyinka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda Magaalada Cadaado.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana xigtay rasaas xoogan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas ay ka hor-tageen Ciidamada Amniga, isla markaana laga war hayay gaariga iyo wadada ay doonayeen inay isticmaalaan.

“Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jirto, oo aan aheyn kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada amniga ayaana ka hortagay, afar ruux ayay ahaayeen mid waa kii gaariga isku qarxiyay, saddexda kalena ciidamada ayaa toogtay”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yare) ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay ergooyinka, waxaana ay xustay in Ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas.

Wariye ku sugan Cadaado ayaa sheegaya in gaariga ay wateen dableyda ay ka soo galeen wado aan la marin oo ku taal dhabarka dambe ee dhismaha Xarunta Kafaalo oo ay degan yihiin Ergooyinka, waxaana uu intaa ku daray in saddex ka mid ah dableyda ay gaariga ka dageen, halka gaariga waxyaabaha qarxa saarnaa markii ciidamada ka shakiyeen uu isku qarxiyay meel ku dhow xarunta.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ee weerarkaas saaka lagu qaaday Cadaado ka dhashay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca degmada Cadaado, tan iyo markii uu ka furmay shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, iyadoo Cadaado oo xarun u aheyd Maamulka Ximan iyo Xeeb aanay horay uga dhicin qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalooyinka kale ee dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka Afahayeenka wasaarada Amniga:-