Uhuru Kenyatta “Ciidanka Kenya Wa Ay Sii Joogi Doonaan Soomaaliya”.

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray inuu ciidanka Kenya ku sii hayn doono Soomaaliya si ay u sii wadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa hadalka yiri mar uu booqanayay askar ka tirsan ciidanka Kenya oo ku dhaawacmay weerarkii dhowaan ka dhacay deegaan u dhow Lamu oo lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay saldhig milateri.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay Kenya sii wadi doonto howlgalka ay ku taageereyso xasilinta Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay inay dowladda Kenya diyaarinayso istiraajiijad ku aaddan sidii ay ciidankeeda ugala bixi lahayd Soomaaliya, xooggana u saari lahayd la tacaalidda amni darrada ka jirta gudaha dhulkeeda.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media