Top News: Uhuru Kenyatta Oo Amray In Xayiraada Laga Qaado Xawaaladaha Soomaalida.

0

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku amray bangiga dhexe ee dalka inuu qaado xayiraadda saaran shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, balse marka hore waa inuu bangiga dhexe sameeyaa xeer hadda kaddib lagu hagi doono howlaha adeegyada xawaaladaha.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu ugu hambalyeynayay Muslimiinta dalka ku nool billaabashada bisha barakaysan ee Ramadan, ku sheegay in la soo gaarsiiyay codsi ku saabsan qaadista xayiraadda saaran 13 xawaalad oo albaabbada la isugu dhuftay bishii April.

Xawaaladaha ayaa la xiray kaddib weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa, oo ay ku dishay dad ku dhow 150 qof oo arday u badnaa.

Hase yeeshee, lama bixin xilli cayiman ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta loo ogolaanayo shirkadaha xawaaladaha inay dib u howlgalaan.

Hay’adaha gargaarka bini’aadannimo ayaa dhaleeceeyay xiritaanka adeegyada xawaaladaha, iyagoo ka digay inuu saamayn ba’an ku yeelanayo dad badan oo ku tiirsan lacagta looga soo diro dibadda.

Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in xiritaanka adeegyada xawaaladaha uu khalkhal galiyay howlahooda.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media