TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Ximin iyo Xeeb oo Faah-faahin ka bixiyay Weerarkii ka dhacay Magaalada Cadaado

0

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Max’ed Baarleex oo ka hadlay weerarkii saakay lagu qaaday xarunta uu ka socdo Shir maamul u sameynta G/dhexe ayaa sheegay in ujeedkii lagala lahaa weerarkaasi aan laga gaarin.

Wuxuu sheegay madaxweyne Baarleex in ciidamada amaanka ay weerarka ku fashiliyeen iridka hore ee xarunta Kafaalo,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in kaliya qasaaraha uu ku koobnaa kooxihii weerarka soo qaaday oo afar gaarayay.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii Cadaado,iyagoo tilmaamay in dagaalyahanooda gudaha u galeen xarunta Shirka.

Ciidamada Ethiopia oo ku sugnaa xarunta Shirka Cadaado amaanka aad u adkeeyay ayaa la sheegay inay toogteen dagaalyahanada weerarka qaaday.

Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkaasi ayaa shaacisay in Ciidamada amaanka ay fashiliyeen

weerarka,islamarkaana horay hay’adaha amaanka ay ka digeen.

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,waxaana shalay lagu ansixiyay dastuurka uu yeelanayo maamulkaasi.