LIVE U DHAGEYSO: Faah Faahin, Baarlamaanka Soomaaliya Oo Cod U Qaaday Baarlamankii Raaskanbooni Kuna Tilmaamay Inuu Xaaraan Yahay.

0

Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Codka u qaaday Mooshinkii Muranka dhaliyay ee ka yaalay Baarlamanka Raaskanbooni,kaas oo ahaa in Sharci daro loo dhisay Baarlamaankaasi.

132 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in Codka Kalsoonida lagala laaboto Baarlaman ku Sheegga Axmed Madoobe ,halka  Lix Mudane ay ka Aamustay Afarna ay diideen.

142 xildhibaan ayaa goobjoog ahaa kulanka maanta loogu codeynayay qaab dhismeedka baarlamaan ku sheega Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, kaasi oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur iikar ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codbixinta,waxaana uu sheegay in Baarlamaanka uu Codka u diiday qaabka loo dhisay Baarlamanka Raaskanbooni.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala La Soco Allgalgaduud Media