TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanad Jawaahir oo Ku baaqday Joojinta Dagaalka Galgaduud.

0

Iyadoo Dagaal Dad badan ay ku dhinteen uu ka soconayo Gobolka Galgaduud gaar ahaan Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Dowladda Itoobiya ayaa waxaa  Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan Joojinta Dagaalkaasi.

Xildhibaan Jawaahir oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Galgaduud oo Shalay Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho ku booqatay Dhaawacyo laga soo qaaday Gobolka Galgaduud ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqaday Joojinta Dagaalka iyo in Xal laga keeno dagaalkaasi.

Xildhibaan Jawaahir ayaa sidoo kale Baaq u dirtay Wasaarada Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo ku Aadan in ay Gargaar u fidiyaan dadka Dhaawacyada ah ee Magaalada Muqdisho la keenay.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa  ka taagan Dagaal u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis Itoobiya iyo Dad Shacab ah oo la sheegay in Degaanadooda lagu dhibaateeyay.