TOP DHAGEYSO:- Maxaa Xal Ah Oo Laga Gaaray Gacan Ka Hadalkii Shirka Cadaado ee Shalay+Wareysi Xasaasi Ah.

0

Waxaa shalay shirkii ka socday magaalada Cadaado ee xaruta maamulka xibin iyo xeeb ka dhacay in fahan daro soo kala dhaxgashay ergada shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe waxaa taasi ay keentay in shirka lagu kala dareero

Si aan wax ugu ogaano arimahaas waxaa qadka Taleefanka kula xiriirnaya Afhayeenka Gudiga Farsamada maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Mugud iyo galgaduud cumar Cali Rooble wuxuuna All-Galgaduud Media u sheegay in xal buuxda laga gaaray qilaaf iyo wixi shalay ka dhacay magaalada cadaado xaruntii ay ku sugnaayeen ergada shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe

Dhanka kale afhayeenka  Gudiga shirka maamul usameynta Gobolada dhexe yaa sidoo kale sheegay in gudiga Farsamada uu ka madaxnaan yahay wax ka dhacaayo magaalada hoosshooda ay tahay kaliyah in dudeeyaan wax shirka loogu baahan yahay,

Wali waxaa magaalada cadaado ee xarunta maamulka xibin iyo xeeb ka  socda wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka soomaliya waxaa kulankaas horey u furey wajigiisa labaad raizulwazaaraha soomaliya Cumar c,rashiid cali shar’marke