TOOS U DHAGEYSO: Dhaawaci Dadki Shacabka Ahaa Ee Ay Soo Xasuuqeen Maleeshiyada Liyu Booliska Oo Lasoo Gaarsiiyay Deegaanka Garjir.

0

Xilli daganaansho laga dareemayay labadii Maamil ee ugu danbeesay Xadka ay wadaagaan Dalalka Somaliya iyo Ethiopia ayaa hadana lagu soo waramayaa in saakay mar kale Ciidanka Liyuu Boliska ay bilaabeen Xasuuqa shacabka aan waxba galabsan.

Dad badan oo barakac ah qaarkoodna ay yihiin Dhaawac ayaa maanta la gaarsiiyay Deegaan lagu magacaabo Garjir oo Duleedka ka ah Guriceel.

C/Kariin Maxamed Axmed waa madaxa samafalka ahlusunna ugu magacaaban Deegaanka Garjir waraysi uu siiyay Allgalgaduud Media ayuu ku sheegay in dad badan oo qaarkood dhiig uu ka da’ayo la geeyay Deegaanka.

Wariyaha All Galgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq ayuu uwaramay.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media