TOP NEWS:- Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka oo markale maanta kulan xasaasi ah ka leh Mooshinka laga keenay Kooxda raaskanbooni.

0

Warar naga soo gaarayo ilo ku dhow dhow  Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta mar kale baarlamaanku isugu iman doono shir lagu sii anba qaadi doono mooshinkii dhawaan laga keenay habka uu u sameysan yahay baarlamaan ku Sheegga Raaskanbooni.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ay Maanta ku balansan yihiin mar kale inay cod u qaadaan mooshinka lagu Ridayo Baarlaman Ku Sheegga Axmed Madoobe, Xilli Gudoonku Marar Badan Uu Dib Udhigay

Gudoomiye Jawaari oo shalay ka hadlayay shirka ayaa si dadban ugu goodiyay xildhibaanada Muqdisho ku sugan hadana aan soo xaadireyn shirarka baarlamaaka.

Dhanka kale dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in madaxda sar sare ee Dowlada ay ka danbeeyaan inuu qabsoomo shirkaasi Waxaanna Kaloo jirra In Beesha ka soo jeedda Raaskanbooni ee Axmed madoob ay iyagunna Madaxda Oga jidha dowladda Ka dalbanayaan in baarlamanka Axmed madoobe aan sharciga la waafajin.

Shirka Maanta wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Insha Allaah.