TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Suldan Khaliif ” Maleeshiyaadka Raaskanbooni Ayaa Na soo weeraray Waana La Dagaalanay”

0

Maalintii shalay aheyd waxaa ka dhacay deeganka hoos hingow ee gobolka jubada hoose dagaalo u dhaxeeya dadka deeganka iyo Ciidamadda Kooxda Raaskanbooni Oo Duulaan Ka soo qaaday Magalaadda Kismaayo,

Suldan khaliif  oo kamid ah dadka dagan Tuuladda Uu Dagaalka Ka Dhacay Oo hoostagtay Deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada hoose Wuxuunna Wareysi Gaar Ah Siiyay Shabakadda Allgalgaduud.com Wuxuunna Noo sheegay in ciidadama Kooxda Raaskanbooni ay hurinayaan Dagaaladda Ka dhacay Deegaankaasi.

Suldan khaliif ayaa sidoo kale Sheegay in miinooyin loo adeegsaday gaadiid ay la haayeen dadka shacabka ah ee daga deeganka hoos hingow ee Gobolka Jubada hoose, Shacabkanna Halkaasi Lagu Gumaaday,

Ugu dambeyntii Suldaan khaliif  ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in loo madax banaaneeyo deeganka hoosingow Oo dadka dagan xiligaan Madaama ay yihiin dad mudo badan dagnaa Una Dhashay.

Hoos ka dhageyso: