TOOS U DHAGEYSO:Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Iyo Dad Shacab Ah Oo Dagaal Kulul Ku Dhexmaray Deegaan Hoostaga Hosingoow?

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hosingoow ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal Xoogan oo udhaxeeya Dad shacab ah iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu ka qarxay deegaano hoos taga Magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Dhulkeena oo Galbeedka ka ah Tuulada Hosingoow oo ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu ogaamiyo Axmed Madoobe ay isku dayeen in ay jidgooyo dhigtaan Duleedka deegaanka, waxaana arintaasi ka hor yimid Dadka deegaanka oo iyaga Hubka qaatay.

C/llaahi Nuur oo ka mid ah Dadka Deegaanka lasoo weeraray ayaa Allgalgaduud Media usheegay in ay iska difaaceen Maleeshiyaadka soo weeraray isla markaana ay ka gubeen Gaari Nuuca Cabdibilaha ah.

Hadaba wariyaha Allgalgaduud Media ee Waqooyiga Galgaduud Cumar Laki Man ayaa Goobjoogahan qadka taleefanka kula xiriiray kadibna waydiiyay su’aalo dhowr ah.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media