WAR DEG DEG AH : War aad u Kulul Oo Ku Socda Madaxweyne Xasan Sh.. (Aqri Digniin Daafaha Dunida Loogasoo Diray)

0

Xasan Iyo FowziyaKulamo kala duwan maalmihii la soo dhaafay u socday Jaaliyada Beesha Cayr ee Wadamada Yurub, Maraykanka, Canada, Afrika iyo Carabta ayaa soo idlaaday.

Kulamadaan oo ahaa mid looga tashanayay aayaha Gobolka iyo Goobaha ay dagto Beesha oo Deegaan ahaan aad u balaaran, ayaa waxaa ka soo baxay Kulankaas Go’aamo kala Duwan oo loogu baaqayo Madaxweynaha dalka Soomaaliya in uu dhex dhexaad ka Noqdo xaalada Gobolka gaar ahaan deegaanada ay dagaan Beesha Cayr oo Madaxweyne Xasan dhaliilo badan looga soo Jeediyay.

War qoraal ah oo soo gaaray Bogan ayaa waxaa uu u qornaa sidaan:-

Kadib markii ay Kulamo kala Duwan yeelatay Jaaliyada Beesha Cayr ee ku Nool caalamka ayaa waxaa Madaxweyne Xasan loogu soo Jeediyay dhaliilo aad u waawayn Kuwaas oo ay ka mid tahay, in uusan Madaxweynaha Doorkii Madaxweynanimo ka qaadan dagaalka ka socda Guriceel, Mudo ku dhaw Bil, sida ay hadalka u dhigeen Jaaliyadaha Beesha cayr ee soo saartay Qoraalka.

Waxayna Beesha si cad u Qeexday in Madaxweynaha oo jooga Dhuusamareeb uusan ka hadli dagaal saacada ka hor ka dhacay Guriceel oo ay ku dhinteen ku dhawaad 30- qof, tasi oo macnaheeda Beesha ay ku Tilmaantay in Madaxweynaha uusan kala Jeclaayn dadka ku le’anaaya Dagaalka ka socda Guriceel, waxaa ka mid ah Qodobada ay Beesha ka hadashay Maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud halkaas oo ay Beesha ku dhaliishay Madaxweynaha in uu hagar daaminaayo hamsami u socdka Qorshaha Maamul u samaynta Gobolada dhexe.

Beesha ayaa si qoto dheer uga hadashay qaabka Madaxweynaha bilaawgii Heshiiska Maamul U samaynta Gobolda dhexe uu u Iclaamiyay Madasha shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee Soomaaliya iyadoo uusan qiimeyn rabitaanka bulshadda degta labada gobol.

Sidoo kale Booqashadii Madaxweynaha ee Caasimadda Dhuusamareeb uu ku tagay oo ahayd mid aan horay loogu soo dhawaynin Gobolada Soomaaliya, ayuu madaxweynaha dareenkii Bulshada iyo Jacaylkii Dowlad Nimo ee dadka dagan Gobolada dhexe u muujiyay ama uu xaqiray Rabitaankii Bulshadaas, isaga oon Xitaa wax uun hadal ah ku Qancin bulshadii halkaas ku soo dhawaysay, ayuu ku soo laabtay Madaxweyne Xasan Magaalada Muqdisho, taas oo dhaawaceysa hanaanka dowladnimo ee hadda laga hirgalinaayo Soomaaliya.

Waxaa intaas ka sii daran in Madaxweynaha uu xataa awoodi waayay in uu cadeeyo caasimadda Maamulka la dhisaayo, taasi oo Dastuurka uu Qeexayo in ay tahay Dhuusamareeb, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Kulamadaan Beesha u socday oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu taageeray Bayaankii ka soo baxay shirka Nabadaynta ee ka socda Dhuusamareeb oo odayaasha dhaqanka cadeeyeen in 25 maalin ay ku dareen mudadii uu soconayay shirka, ayaga oo ku dhaliilay Dowlada Soomaaliya in aysan siinin wax Qiimayn ah shirka ka socda halkaas iyo shacabka Dagan Gobolada Dhexe, taasi oo dastuurka uu cadeynayo in Dowladu ay ka Qeyb qaadato Dib u heshiisiinta bulshadda Soomaaliyeed.

Beesha Cayr ayaa ah Beel saamayn wayn ku Leh siyaasada Soomaaliya, isla markaana qaadatay hanaanka Dowlanimo ee wadanka ayaa dhaliishaan ay u soo Jeedisay Madaxweynaha waxay ku soo aadaysaa Xili dagaal uu ka socdo Degmada Guriceel dagaalkaas oo u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo ciidamada urur diimeedka Ahlusuna Waljameeca, sababayna Qasaare naf iyo maalba Leh, waxaaana gaba gabdii shirka Beeshu ugu baaqday Qeybaheeda kala Duwan ee bulshadsa Midnimo iyo in ay Xoogooda iskugu geeyaan sidii Maamul loo dhanyahay looga samayn lahaa Gobolada Mudug iyo Galgaduud.