Ma Ogtahay In Kafeegu u Roon Yahay Wadna-Xanuunka ?, Balse Ogow Cudurkaan ayuu Keenaa..?

0

CoffeCILMIBAARIS CUSUB (Allgalgaduud.com) – Cilmi baaris cusub oo ay sameeyeen sanisyahano u dhashay dalka Kuuriyada koofureed ayaa muujisay in cabidda seddex ilaa shan koob oo kafee ah maalintii in laga yaabo in dadka ka baajiso in xinjiro ku sameysaan xididada wadanahooda oo la ogsoon yahay in ay ku keeni karto wadano xanuun.

Saanisyahanada ayaa daraasad ay ku sameeyeen in ka badan shan iyo labaatan kun oo qof ku ogaaday in dadka kafeega caadi ahaan u cabba ay ku yar tahay maadada kaalshiyam in ay si weyn ugu ururto wadanooda taas oo calaamad u ah in ay xeyri ku sameysantay xididada wadnaha.

Saameynta uu ku leeyahay caafimaadka wadnaha isticmaalida Kafeegu ayaa dood kulul dhalisay.

Cilmibaarisyada qaar ayaa muujiyay in cabbida kafeegu uu horseedo dhiig kar in uu dadka ku dhaco.

Cilmibaaristan cusub ayaa waxaa lasoo saaray maanta.