(Dhageyso) Mareykanka oo sheegay in Liibaan Xaaji Maxamed Soomaaliya lagu qabtay.

0

Saraakiil mareykan ah ayaa sheegay in Soomaaliya lagu qabtay Sargaal Mareykanka uu ku daray Liiska Argagixisada oo Soomaali Mareykan ah islamarkaana lagu Magacaabo Liibaan Xaaji Maxamed.

Liibaan Xaaji Maxamed oo Dalka Mareykanka gaar ahaa Magaalada Farjiniya Duleedka Waashiton ayaa ka soo tagay halkaasi Labo Sano kahor,iyadoona la sheegay in uu Soomaaliya yimid .

Saraakiisha Mareykanka ma kala Cadeyn  qaabka loo qabtay Liibaan Xaaji Maxamed,inkastoo ay shaaciyeen oo kaliya in uu Soomaaliya ku xiran yahay.

qarax

FBI Mareykanka oo Liibaan Xaaji Maxamed ku raadjoogtay ayaa 50.000{Konton Kun }oo Dollarka Mareykanka ah dul dhigay Madax Liibaan Xaaji Maxamed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya  wali kama hadlin Wararka ah in Liibaan Xaaji Maxamed uu ku xiran yahay Gudaha Dalka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka oo Dhameystiran: