(Maqaal) Wadahadalada Turkiga ka furmay iyo Waxa laga fili karo.

0

Saddexdii sano ee ugu danbeeyey waxay dadka Soomaaliyeed maqlayeen wadahadalo u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland oo soo maray marxalad bilow ah. Dadka intiisa badan waxay is weydiinayaan xaggee wax ku dhammaanayaan iyo maxay yihiin qorshayaasha labada dhinac ee wada hadlaya.Anigu kama war hayo qorshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan kooxda khibradda yar ee Damul Jadiid, laakiin waxaan ka war hayaa qorshaha maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland oo xilliyadii ugu danbeeyey diyaariyey qorshe ballaaran oo dhamaystiran oo ay doonayaan inay hordhigaan shirka Wadahadalada Turkiga.

Maamulka Hargeysa waxay doonayaan in shirka uu ka soo baxo geeddi-socod ama process lagu gaari karo afti dadweyne oo laga qaado dadka ku nool wixii la isku oran  jiray British Somaliland Protectorate ama Maxmiyaddii Ingiriiska ee Dhulka Soomaaliyeed.Qorshahan waxay kaga dayanayaan heshiishkii Naivasha ee loo aqoon jiray (Comprehensive Peace Agreement) oo ahaa heshiis dhamaystiran oo nabadda oo keli ah aan ku koobnayn ee laakiin ahaa awood-qaybsi iyo in dhawr sano ka dib afti laga qaado dadka ku nool Koonfur Sudan.

Markii Heshiiskaasi la saxiixayey, wey iska caddayd in Koonfur Sudan go’i doonto, laakiin waxaa shaki laga qabay John Grang oo isagu aaminsanaa Sudan mid ah oo ugu danbayntii isaga diyaarad la dhacday, shaki badana laga muujiyey dhimashadiisa. Go’itaanka Koonfur Sudan waxaa loo maray dagaal iyo process ka danbeeyey si loo unko Dawladdaa curdinka ah.

Jabhaddii SNM waxay u xuub siibatay Maamulka Somaliland oo doonaya inuu abuuro qaran madax bannaan laakiin ay haysato caqabado dhawr ah si yoolkaasi loo gaaro.Maamulka Hargeysa waxuu sameeyey afti beeneed ay ku sheegeen in 97% dadka ku nool waqooyi isku raaceen iney ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, laakiin arrintaasi ma aanay aqoonsan Beesha Caalamka, waxaana loo arkayey wax aan xaqiiqda ka turjumayn maaddaama xoog iyo caga juglayn lagu hayey bulshada Soomaaliyeed ee midimada jecel ee waqooyi ku dhaqan iyo weliba tallaabada gooni-goosadka ah ee Somaliland oo hal dhinac ah oo ay ka maqan tahay kaalintii Dawladii laga go’ayey.

Waaqac Beddelid

Somaliland waxay ka faa’iideysanaysaa duruufta haysata Koonfurta Soomaaliya oo ay ka jiraan Maamullo iyo Dawladda Dhexe oo taag daran, ayna hareeyeen xasillooni la’aan siyaasadeed iyo musuqmaasuq baahsan. Hargeysa waxay u aragtaa in wadahadaladu aanay daba dheeraan oo laga faa’iidaysto xilliga ay awood ahaan iyo diblamaasiyad ahaan u taag daran yihiin qolada Koonfurta.

Isla Xilligan Somaliland waxay waddaa qorshe iyo qaab Waaqac Beddelidd ah “Facts on the Ground” oo ah iney beddelaan wax kasta oo iyaga ku noqon kara caqabad dhulka taalla, waxayna qabsanayaan dhul aanay horey u joogin si doodu u noqoto anagaa wada metelna wixii loo aqoon jiray Maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed, waxaadna maanta arkaysaa iney dagaal ka wadaan Saax dheer, hana filan waayin iney berrito duullaan ku qaadaan Yoocada Garoowe, Buuhoodle, iyo guud ahaan Bariga Sanaag.

Ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin arrintan ay ku doonayaan iney ku qabsadaan dhulka dadka midnimada jecel waxa weeye iney afduubaan codka dadka diidan go’itaanka. Xukuumadda Siilaanyo oo waqtigeedii dhamaaday waxay dooneysaa in ay xilka korarsato oo ay abuurto dagaallo u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo iyo weliba Somaliland iyo Puntland maaddaama ay soo weerari doonaan dhul ay Puntland xukunto, waxana marka ay dagaal abuuraan kooxda Siilaanyo ay qiil u helayaan xil kororsi, iyadoo dastuurka Somaliland dhigayo sababaha xil kororsi ama (extension) loo samayn karo waxaa ka mid ah colaad ama dagaal soo food saara Somaliland. Marka la gaaro 26-ka Juun ee sannadkan waxaa ku eg waqtiga Xukuumadda Siilaanyo sidaa awgeed waxay gobolkaasi gelinaysaa colaad si ay qiil ugu abuuraan qorsha waqti kororsiga oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale, waxay wadahadalada Turkiga u isticmaalayaan iney ku xoojiyaan oo qiil ugu sameeyaan waqti kororsiga ay damac san yihiin.

Intaas waxaa dheer, Somaliland waxay ka faa’iidaysanaysaa culayska dhinaca amniga ah ee haysta Puntland oo xilliyadii ugu danbeeyey kordhayey, waxana kooxda argagaxisada ah ee ka dagaalanta buuraha Galgala ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah Puntland iyadoo Puntland ku mashquuli doonto arrimaha ammaankeeda gudaha oo aanay waqti u heli doonin iney iska difaacdo duullaanka iyo isballaarinta Somaliland taasina waxay faa’iido u tahay Hargeysa. Isla xilligan Puntland waxaa caqabad ka haysataa maamulka laga dhisayo Gobolada Dhexe oo rag ka mid ah dadka ku hawllan dhismaha maamulkaasi ay doonayaan iney sameeyaan carqalado dhinaca amniga ah oo ka dhan ah Puntland si loogu arko iney yihiin geesiyiin midayn kara Mudug iyo Galguduud ama dadka gobolada dhexe, isla markaana ah cidda keli ah ee mudan in la doorto si ay u yareeyaan awoodda Puntland, iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya Waqooyiga Mudug waxa uu raacayaa Gobolada Dhexe, waxana inta badan ololahan waday Madaxweynaha Gal-Mudug Mudane Cabdi Qaybdiid.

Ma saxbaa isticmaalka ereyada Soomaaliya iyo Somaliland?

Inta badan saxaafadda Soomaaliyeed iyo dad badan waxay xilliyadii ugu danbeeyey adeegsanayeen waxa loo yaqaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxana marka laga tago iney adeegsadaan reer Somaliland iyo siyaasiyiintooda, sidoo kale adeegsiga qaabkan ah waxaasoo shaacsaaray ama caanbixiyey Idaacado Caalami ah oo ku hadla Afka Soomaaliga oo ay ka shaqaynayeen ama madax ka ahaayeen shakhsiyaad arrintan dano gaar ah ka lahaa iyadoo markii danbe ay saxafiyiinta Warbaahintaasi caalamiga ah sidaa u isticmaaleen maadaama uu noqday wax lala qabsaday. Inta aan la adeegsan labada erey waxaa mudan in la is weydiiyo maxay u taagan yihiin labadaasi erey ee Soomaaliya iyo Somaliland?

Soomaaliya waa dal ka mid ah beesha caalamka oo u sharciyan u jira, ayna aqoonsan yihiin qaramada midoobey, waddamada adduunka iyo ururada kale ee caalamiga ah. Marka laga tago damacooda iyo sheegashadooda kalka dhinac ah, ma jirto cid adduunka ka mid ah oo Somaliland u aqoonsan dal jira haddii ay ahaan lahayd Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxana loo arkaa gobol ka mid ah Soomaaliya. Marka ay halkaa joogto, sharciga caalamiga ah waxa uu Somaliland ka dhigayaa qayb ka mid ah Soomaaliya, iyadoo adduunku ay waajib ku tahay ixtiraamka Gobonimada/Qaranimada iyo Xurmadda Dhuleed ee Soomaaliya (Sovereignty and Territorial Integrity).

Wadahadalada Turkigu waxay u dhexeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland oo adduunku u aqoonsan yahay gobol ama qayb ka mid ah Somaliya, laakiin ku andacooneysa iney gooni u baxday. Xukuumad ama “Government” waxaa la yiraahdaa laanta fulinta ee dal ama gobol uu leeyahay oo u igman socodsiinta hawlaha dalkaasi ama gobolkaasi, markaa Xukuumad iyo waddan waxaa u dhexeeya farqi wayn. Marka la yiraahdo Somaaliya waxay noqoneysaa dhul, cir, bad, Dawlad iyo waxa ku jira oo dhan iyo xuduudahooda, markaa miyaaney sharciyan Somaliland ku jirin Soomaaliya iyo khariidadeeda? Xukuumad oo dadka qaar u isticmaalaan Dawlad waxay la hadli kartaa dhinac ama qola kasta oo dibadda iyo gudaha ah oo arrin ama qaddiyadi kala dhexeyso. Tusaale ahaan Xukuumadda Soomaaliya waxay 28-kii August ee sannadkii 2013-kii magaalada Addis Ababa heshiis kula saxiixatay Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubland markaa malla oran karaa Wadahadaladii Soomaaliya iyo Jubaland waayo Jubaland dee Soomaaliya ayey ka mid tahay xitaa haddii ay sida Somaliland gooni-goosad u sheegato. Sidoo kale Xukuumaddu waxay 14-kii October ee saannadkii hore ee 2014 magaalada Garoowe heshiis kula saxiixatay Xukuumadda Dawlad Goboleedka Puntland, markaa malla oran karaa wadahadaladii Soomaaliya iyo Puntland? waayo Puntland waxay ka mid tahay Soomaaliya. Ka waran haddii gobolka California oo Maraykanka ka mid ah uu sheegto in uu ka go’ay Maraykanka intiisa kale, oo haddana ay tahay iney wadahadal arrintaa ka galaan, markaa malla oran karaa Wadahadaladu waxay u dhexeeyaan  Maraykanka iyo California mise waxay tahay wadahadaladu waxay u dhexeeyaan Xukuumadda ama Dawladda Maraykanka iyo Xukuumadda Gobolka ama Dawlad Goboleedka California?

Dadka qaar waxay siyaasadaynayaan isticmaalka ereyadan, dadka inta kalena waxay u isticmaalayaan maxaa yeelay dhegahooda ayaa lagu shubay, markaa annaguna waa inaan ka shubnaa dadka dhegahooda. Xukuumad iyo dal waxa ay kala yihiin in bulshada lala wadaago waxaan u arkaa iney muhiim u tahay arrintan laga hadlayo. Soomaaliya adduunka iyo sharciga caalamiga ah kama baxsana, sidoo kale, damiirkaa iyo macnaha guud waxa ay inna siinayaan in isticmaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay wax khalad ah oo gaf ku ah qaranimada iyo sharciga Caalamiga ah, mana habboona in waraaqaha heshiiska lagu qoro, isla markaana ay warbaahinta iyo dadweynahu adeegsadaan, waxba kama qabo haddii cid dano gaar ah ka leh ay adeegsanayso.

Maxaa laga filan karaa wadahadalada?

Labada mowqif ee labada dhinac ee wada hadlaya waxay kala yihiin midnimo iyo googni-goosad, laakiin waxa muhiimka ah waxa weeye sida labadaasi la isu waafajinayo oo ay uga soo bixi lahayd wax labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin, waana sababta loo wada hadlayo, iyadoo ay jirto duruuf labada qoloba ku khasbaysa wadahadalada. Wadahadaladan oo ka soo bilaabmay shirkii qaybaha Soomaaliya ee London lagu qabtay horraantii sannadkii 2012-kii oo ku baaqayey in la furo wadahadalo u dhexeeya labada gees, waxay hadda u muuqata in laga gudbayo waxyaalaha asaaska ah oo la guda galayo arrimaha masiiriga ah oo markii hore la oran jiray waa waxa ugu danbeeya ee laga wada hadli doono.

Shirkan waxa uu u muuqdaa in uu xoogaa ka yara duwan yahay kuwii hore oo inta badan looga hadli jiray arrimaha caadiga ah ee dhinaca iskaashiga iyo dhisidda kalsooni, waxana loo arkaa tallaabada kowaad ee loo qaaday in laga wadahadlo arrimaha masiiriga ah, iyadoo dhowaan Djibouti lagu gaaray heshiis dhigayey in arrimhaasi la guda galo ee aan lagu meeraysan waxyaalo aan sidaa u weynayn oo fudud. Qorshahan waxa uu u muuqdaa in lagu qancinayo shacabka Somaliland maadaama dadka reer Somaliland ay aad ugu dhega taagayaan wadahadalada si ka duwan kuwa dadka koonfurta isla markaana aanay ku qanacsanayn in wadahadaladu iska sii jiitamaan, xilli Siilaanyo waqtigu ka dhamanayo oo ay tahay in uu kalsooni ka helo gudaha Somaliland.

Dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadda Soomaaliya, waxaa haysta culays siyaasadeed oo kaga imanaya qaybaha siyaasadda ee Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd gobollada, Maamul Goboleedyada iyo baarlamanka oo kutlado mucaarada ah ay ka abuurmeen iyo weliba axsaab siyaasadeed oo liddi ku ah Madaxweynaha iyo xertiisa talada haysta oo xilliyadii ugu danbeeyey isa soo tarayey, waxana taasi iftiiminaysaa in aanay ku dhiirran karin qodobo dood iyo xiisad siyaasadeed abuuri kara oo dabcan keenina kara in mooshin iyo buuq ku furmo, inkastoo baarlamanku haatan fasax yahay markaa waxay ku dadaalayaan in aanay abuurin wax khatar gelinaya xilkooda, maaddaama waddanku dhowaan ka soo baxay khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraaday oo weli raadkiisu taagan yahay.

Marka la isu eego xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Muqdisho iyo Hargeysa waxay u badanaysaa in la gaaro heshiis u xaglinaya dhinaca Somaliland oo aan xilliga dhow waxba u dhimayn dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya ama aan ugu yaraan deganaansho la’aan siyaasadeed ka dhex abuurayn laamaha Dawladda Soomaaliya. Qorshaha Somaliland iyo ajandahooda shirka wuu cad yahay, waxayna rabaan iney abuuraan geeddi-socodkii ama process-kii lagu gaari lahaa afti dadweyne iyo madax-bannaani waxayna rabaan in ay xilligan maalgashadaan arrintaasi. U Malayn mayo in shirkan uu la mid noqonayo kuwii hore, waxana ka soo baxaya asaaska meesha ay biyuhu ku shubmi doonaan oo ah kala-tag ama israac, iyadoo xisaabtana lagu darsanayo xaaladaha siyaasadeed ee wadahadalada ku xeeran ama ka dhalan kara oo ay tahay in tixgelin la siiyo.

Haddii ay Somaliland wadahadalada Turkiga u aragto kuwa sii jiitamaya oo aan abuurayn jidkii lagu gaari lahaa Ictiraafka ay ka raadinayaan  Dawladda Soomaaliya iyo adduunka kale, waxay ka bixi doonaan wadahadalada  iyagoo dalbanaya dhexdhexaadiyayaal ncaalami ah iyo in wadahadalada  laga wareejiyo Turkiga. Marka laga hadlayo arrimaha Masiiriga oo dhinaca Somaliland aad u danaynayo, aniga waxay ila tahay in Xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh aanay sharciyad iyo idan u haysan in ay arrimahaasi ka hadli karaan, maxaa yeelay Madaxweynaha ma aanay dooran shacabka Soomaaliyeed ee waxaa doortay baarlaman la og yahay sida uu ku yimi ama uu u shaqeeyo, oo hufnaanta soo xulitaankooda shaki la geliyey, isla markaana doorashada Madaxweynaha lagu eedeeyey iney ahayd mid musuqmaasuq hareeyey oo xitaa dibadda laga maalgeliyey.

Cabdirashiid Muuse Siciid

Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan

Email: abrashidmuse@gmail.com

Twitter: @Gobanimodoon

FacebookK Abdirashid Muse