(Dhageyso) Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud Oo Rajo Ka Muujiyay Xalinta Dagaalka Guriceel.

0

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta dagaalka degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dadaal xoogan ay wadaan Odayasha dhaqanka iyo sidoo kale dhalinyarada gobalka oo xilli walba ku dadaalaya sidii nabadda loo heli lahaa.

“Muhiimadda ugu weyn waxay tahay hadii Xukuumadda tahay, shacabka, xidhibaanada, Odayaasha intaba in la joojiyo dagaalkaasi, lana hakiyo dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Dowladda ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa xabadda, garabna lagu siin lahaa dadkii ku barakacay dagaaladii Guriceel.

Xildhibaan Cabdisamad oo socdaal ku tagay gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in xaalad walba oo halkaasi ka jirta loo baahan yahay in loo wajaho si wadajir ah, iyada oo laga eegayo nabadda deegaanka iyo is dhexgalka dadka shacabka ah.

Dhinacyada isku haya degmada Guriceel ayuu tilmaamay in kulamo ay lasoo qaateen si ay ugu qanciyaan in dagaalka ay joojiyaan, islamarkaana lasoo gaba gabeeyo colaadda sii daba dheeraatay.

Halkaan hoose ka dhageyso: