(Dhageyso) Taliska Amaanka Gobolka Mudug Oo Udigay dadka Leh Guryaha iyo Gaadiidka.

0

Taliyaha birmadka gobolka mudug cabdirashiid xasan xaashi gabigabi ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira qarax gaari lagu xiray oo shalay magaalada gaalkacyo lagu dilay taliyihii ilaalada canshuuraha Gobolka mudug qaylo.

Gabigabi taliyaha birmadka gobolka mudug ayaa sheegay in qaraxyada noocaan oo kalaa ay ka dhicijireen koonfurta somaliya , waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwo laga soo hagayo koonfurta .

taliyaha ayaa fariin udiray shacabka kunool magaalada gaalkacyo in ay la socdaan dadka ay guryaha ka kiraynayaan iyo sido kale in ay ilaashadaan baabuurta ay wataan si amaankooda loo xaqiijyo.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay taliye Gabigabi in ay wadaan howlgaladii amni ee ay ka sameeynayeen magaalada.

Halkaan ka Dhagayso codka Taliyaha.