(Dhageyso) Dastuurka Oo Laga Tir Tirayo Luuqadda English-ka Lagana Wada Dhigayo Somali.

0

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Dastuurka Qabyada ah ee Dalka  lagu Qori doono oo kaliya Afka Soomaaliga .

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa Xusay in aysan dhici doonin in Dastuurka Dalka hadii Af-kale lagu qoro  kadibna lagu qoro Afsoomaali,asagoo u soo jeediyay Dadka doonaya in Afkale ay ku qortaan ay Tarjuntaan.

“Dastuurka waxa uu ka dhaxeeyo waa Soomaali Aragtida Soomaalida ayaa wax lagu wadayaa si loo helo wax Saxan oo Soomaaliya Mastaqbal Wanaagsan u horseeda”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

dastuurka

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in Beesha Caalamka ay Dastuurka wax ka badalkiisa ay faraha kula jirto,isagoona taasi been ku tilmaamay,waxaana uu intaa ku daray in Caalamku uu Taageero Dowladda Soomaaliya laakiin Arrimaha uu kamid yahay Dastuurka Dalka aysan Faro galin karin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka oo Dhameystiran: