Warsaxaafadeed: Dowladda Itoobiya oo ka hadashay aragtida hubka ku xirtay dekadda Somaliland

0

02-02-2015, Addis-Ababa – Ambassador Brig Gen Berhe Tesfaye oo ku sugan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay mawqifka Dowlada Ethiopia kaga aadan Markabka Hubka lagu qabtay ee iminka ku sugan Dekedda Berbera.

Brig waxa uu sheegay in arrinta la xiriirta Markabkaasi ay kasoo saari doonaan go’aano adag, waxa uuna tilmaamay in iminka ay u direen Saraakiil soo eega xaalada dhabta ah ee Markabkaasi Hubka iyo Gaadiidka wada.

“Waxan wadnaa baaritaano aan ku sameyneyno Markabka iyo shaqaalaha saaran, waxan ogaandoona ujeedka markabka, cida uu u rarnaa, iyo maslaxada ku jirta in xiligaani ay Somaliland hesho hub tayo badan”

“Waxaa halkaasi noogu maqan Saraakiil soo indha in dheyneyso arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran”

Waxa uu sheegay in Ujeedkooda uu yahay kaliya ogaanshaha xogta, inaanay ka wada hadal Somaliland arrimaha Markabka, maamulida arrinta markabkaasi tahay mid Somaliland u taala.

“Somaliland kama aanan wada hadal, sabab aan u waydiineyno ma jirto, waa hawl xilkeeda ay leedahay somaliland haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan”

Maamulka Somaliland, ayaa wali baaris ku haysa Markabka Hubka lagu qabtay MV Shakir oo ku xiran Dekedda Berbera.

Indhaha Caalamka iyo dawladaha dariska la ah Somalia ayaa si aad uga shakisan Hubkaasi oo si sharci darro ah dekedda ku soo galay ilaa haddana aan la xaqiijin cidda leh iyo halka uu ku wajahnaa.