Kooxaha ka dhisan dalka Ingariiska oo majaraha u haya lacagaha lagu iibsado Ajaanibta

0

Naadiyada dalka ingiriiska ayaa noqoday kuwa liiska wada markii ay hadda noqdeen kooxda ugu badan ee hogaaminaya liiska lacagaha lagu soo iibsado ciyaartoyda ajaanibta ah ee horyaalka Premier League ka xamaasha ama usoo shaqa taga.

Warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in kooxaha Ingiriiska ay cel celis ahaan qarash gareeyeen aduun dhan £770m oo ay ku soo iibsadeen ciyaartooy wadamo badan ka ciyaaray sanadkii la soo dhaafay waxaana 67% ka ay ka badan yihiin horyaalka Spain oo qiimeynta isna soo galay.

Si gaara waxaa kooxaha dalka ingiriiska ay ugu kala sareeyaan bixinta lacagaha sida Kooxda Man United ayaa xagaagii lasoo dhaafay iibsatay xidigii ugu qaalisanaa oo koox Ingriis ah ay banaanka kasoo iibsato kaas oo noqday Angel di Maria oo ay Real Madrid kaga soo qaadatay £59.7m.

Warbixinta FIFA TMS Global Transfer Market 2015 ayaa lagu sheegay in kooxaha Spain ay banaanka badi ka soo qaataan xidigo dhalin yaro ah.

Dalka Brazil ayaa noqday wadanka ugu badan ee xiddigo laga soo qaato waxayna ka sara martay dalal ay ka mid yihiin Argentiin iyo uruguay.