DAAWO: Shirkii Jaaliyadaha Khaatuma State ee ku qabsoomay dalka Sweden ''Sawirro''

0

Kulan balaadhan oo maanta ay iskugu yimaadeen Jaaliyada Khaatumo Diaspora Association Swedan ayaa waxaa uu ahaa mid ah xog waraysi iyo waxyaabihii u uqabsoomay sanadkii 2014 ee la soo dhaafay.

Jaaliyadaha Khaatumo ee ka jira Caalamka kale waxaa ay jaaliyada Jaaliyada Khaatumo Diaspora Association Swedan ay kaga duwantahay waa qiimaynta sanadlaha ah iyo wixii u qabsoomay sanadkasta.

Ugu horayn waxaa wacdi iyo baraarujin halkaas ka jeediyay sheekh cumar saalax oo ah odayaasha sar sare ee jaaliyada waxaan uu sheegay ale kacabsi lala yimaado lagana shaqeeyo wanaaga bulshada reer khaatumo.

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Garaad Abdiqaadir Yusuf Jaamac oo isagu sheegay in mar waliba jaaliyada looga baahan yahay dar dar galinta iyo hormarka bulshadeeda waxaan uu amaan u jeediyay gudiga jaaliyada haweenka iyo ragaba sida ay isugu taageen in ay midnimo muu jiyaan mar kasta.

Hadalka ayaa waxaa lagu warejiyay gudoomiyaha jaaliyada Abdiqaadir caydiid isagoona amaan u jediyay jaaliyada haweenka iyo ragaba godoomiyaha waxa uu sheegay in qof waliba oo reer khaatumo ah uu halgan dheer sugayo sidii loo hormarin lahaa khaatumo maamulka iyo madaxdana la isku bar bartaagi lahaa.

Xoghayaha jaaliyada Sugule ayaa ka hadlay waxqabadkii jaaliyada hormarkii jaaliyada iyo in ay ka shaqo badan yihiin dhamaan jaaliyadaha kale ee soomaaliyaad taasina ay ka go antahay in khaatumo ay meel wacan gaarsiiyaan qaabka ay u shaqeeyaana uu yahay mid dhamaan soo jiitay jaaliyadaha kale ee khaatumo.

Ahmed Saakin Cabdixuseen Iyo Mbaarik Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdisalaan maaweel iyo gudiha Haweenka ayaa hadalo qiimo wayn ka soo jeediyay waxaaan qof waliba uu hoosta ka xariiqay waxa ay tahay midnimo in ay tahay wax aad u mihiim ah loona baahan yahay ni midnimo leh in loo soo jiito bulshada kale.

Waxaana soo afmeeray Garaad Abdiqaadir Yuusuf Jaamac doco iyo wadajir iyo khaatumo oo guulaysata dalkeedana hanata.

9 0 2 3 5 6