XOG CUSUB: Khilaaf ka dhex curtay Madaxweyne Xasan iyo Jawaari iyo qorshaha DamuJadiid

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex curtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

 

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay fashilkii Xukuumada R/W Cumar Cabdirashid Cumar Cadde, kaga imaaday dhanka Baarlamaanka Federaalka kaasi oo Xasan Sheekh uu aaminsan yahay inuu gadaal ka riixaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Arrinta khilaafka dhalisay ayaa ah in Jawaari uu ka saftay Madaxweynaha uuna la saftay baarlamaanka diidan xukuumaddii la soo dhisay.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhaceen kulamo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulamadan ayaa looga hadlayay sida lagu kala fur-furi karo baarlamaanka oo muujiyay wax aan waligood looga baran.

Waxa ay wararka ay heleyso Allgalgaduud  xaqiijinayaan in is afgarad waa ay ku soo dhammaadeen kulamadaasi.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jawaari in kulankii maalin dhoweyd uu baaqdo balse ma aysan dhicin, waxaa sidoo kale jira qorshe Damu Jadiid ay wadaan oo ku aadan in xildhibaanada isku xiran ee Kudladaha sameystay lagu kala jabiyo laaluush iyo lacago inkastoo badankood ay ka dhaarteen.

 

Labadan todobaad ee uu qabsaday Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu soo magacaabo gole wasiiro oo cusub lamana oga in uu u soo dari doono wasiirada la diidan yahay iyo rag loo malaynayo inaysan gudan karin waajibaadkooda.