War- Murtiyeedka Xisbiyada Madasha Midnimada iyo Dimoqaradiyada.

0

Jannaayo 19, 2015  Mogadishu, Somalia 

Shacbiga Somaaliyeed wuxuu halgan dheer oo aan kala go’o laheyn u soo galay inuu hanto xornimadiisa, soo ceshado karaamadiisa iyo sharftiisa, iyo inuu dhisto dawlad dadku leeyahay, dadka dantiisa ka shaqeysa, dadkuna soo doorto.

 

Nasiib daro, himiladii shacbigeena ee dawladda noocaas ah waa wiiqan tahay, waxaa soo kobcaya rajo xumada hanaanka geedi socodka dawladnimadeyna, waxaana muuqanaya dhaqankii bururbiyay dawladnimada sida kali-talis, musuqmaasuq, boobka hantida qaranka, ku xadgudubka dastuurka iyo sareynta sharciga. Waxaa kale oo muuqata in la garab maray bartilmaameedyada Higsiga 2016 iyo hawlaha la xiriira. Xaladaas waxay kobcisay baraaruga shacbigeyna, waxayna isbedel weyn ku sameysay fikirka iyo ficilka Baarlamaanka, waxaa sameysmay isbaheysiyo siyaasadeed baarlamaanka dhexdiisa oo isbedeldoon ah.

 

Hadaba. annaga oo ah 20 xisbi oo ka midka ah Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada, taas oo ah isbaheysiga isbedeldoonka, kuna mideysan yihiin Xildhibaanad a “Badbaado Qaran”, Wasiiro iyo xisbiyo, waxaan si weyn u boogaadineynaa xildhibaanada “Badbaado Qaran” iyo xildhibaanada “Toosinta Talada Dalka”. Labadaas kutladood waxey si wadajir ah u horjoogsadeen dhisidda xukuumad qorsho guracan ku dhisan oo ka soo horjeeda danaha dalka. Waxaa kale oo aan soo dhawyneynaa isdabaqabadka Ra’ulwasaare Cumar Cabdirashiid oo dib ula noqday xukuumadiisa.

 

Waxaan ka sugeynaa Ra’isulwasaaraha inuu soo dhiso xukuumad karti iyo hufnaan leh oo aan ku meereysaneyn shaqsiyaad gaar ah, loo dhanyahay, fulin karta barnaamijka Hisiga 2016 ee ku dhisan in doorasho ka dhacdo dalka. Xubnaha baarlamaanka waxaan xasuusineynaa iney matilaan shacabka Somaaliyeed, dawladnimadeynu ku xiran tahay sida ay u difaacan dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaan ku adkeyneynaa ineysan dib uga laaban guusha ay gaareen kuna soo ceshadeen doorkii baarlamaanka iyo sumcadiisa.

 

Ugu danbeyntii, shacbiga Somaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa midnimo, wada-tashi. waxaana ka balanqaadeynaa inaan u taaganahay soo celinta sharafooda, karaamadooda iyo dawladnimadooda.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

— Dhamaad —

 

Faahfaahinta war-murtiyeedka, fadlan la xiriir afhayeenka Madasha, Suleymaan Maxamed Ibraahim, tel no: +252615199050 
E-mail: madasha.sfud@gmail.com