War Deg Deg Ah: Shacabka Oo Ka Barakacaya Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada uu ka socdo barakac baahsan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhamaan dadka shacabka ah ee ku noolaa magaalada Kismaayo inay isaga baxayaan magaaldaasi, iminkana uu socdo barakac baahsan.

Sidoo kale waxaa jira rag fara badan oo iyaga isaga baxay gudaha magaalada islamarkaana u galay ciidamada ku xareyssan xerada ciidamada Kenya.

Dhinaca kale dad u badan qooysas ayaa waxa ay gareen deegaano hoostaga magaalada Kismaayo kadib markii lagula kacay dilal, xarig iyo kufsi joogta ah oo loo geeysanayay mudo gaaraysa 2 sano.

Isku soo wada duuboo waxaa ka socda magaalada Kismaayo barakicin loo geeysanayo beelaha aan u nasab sheegan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media