RW Sharmaarke ''La tashi ayaan ka sameyn doonaa wasiirada aan soo magacaabayo hadda kadib''

0
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu soo dhisi doono Gole Wasiiro Cusub ah oo Ku imaan doona wada tashi fiican.
Ra’iisul Cumar Cabdirashiid ayaa hore u soo magacabay Gole Wasiiro oo markii dambe ay aad uga soo hor jeesteen Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid ayaa dib uga laabtay Go’aankii uu ku soo magacabay Golahii Wasiiradda ee uu ku dhawaaqay waxana uu ka dalbay Baarlamaanka Soomaaliya 14 cisho oo ay u ogolaadeen markii dambe si uu u soo dhiso gole Wasiiro Cusub.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidan oo kale hore u balan qaaday inuu ku saleynayo Magacabista golahiisa Wasiiradda wada tashi iyo talooyin dhinacya badan laga eegayo lkn sidaas ma aysan noqon.