Maraakiibta Dagaalka Iran oo Sheegay Iney Fashiliyeen Weeraro Ay Qaadeen Burcad Badeeda

0
Saraakiisha maraakiib dagaal oo ay leedahay dowlada Iran ayaa waxaa ay sheegeen in ay badbaadiyeen 5 werar oo kooxaha burcad badeeda somalida ay ku qaaden, booyado saliid iyo maraakiib xamuul oo isticmaalayay biyaha ka baxdan Soomaaliya.

Markab nambarkiisa uu yahay 32 laguna magacaabo Flotilla , ayaa waxaa uu howlgalka ladaaganka burcad badeeda soomaalida uu ka mid ahaa 80 cisho, kana howlgalayay Badda Cumaan,waqooyga Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Bab al-Mandab Strait iyo Badda Cas . in ay usooragashay in uu bur buriyo werao ay damac sanaayeen kooxaha burcad badeeda soomaalida.

Waxa uu sheegay mid kamid ah sharaakiisha dowladda Iran in 5 isku day weraro iyo afduub ay sameyeen burcad badeeda in maraakiibta Iran ee biyaha caalamiga ah ay fashiliyey, taasina uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo loo baahyahay.

Ciidanka bada dowlada Iran ayaa bilaaway in ay ladagaalamaan kooxdaha ilaalo burcad-badeednimada somalida ee Gulf of Aden bishii November ee sanadkii 2008, waqtigaasoo burcad-badeeda somalida afduubteen markab xamuul ah dalka iran laga lahaa oo lagu magacaabayay MV Delight,kaasoo lagu afduubtay xeebaha dalka Yaman.

warbixintii ugu dambeeysay ee ka soo baxda Hay’adda Badreenada Caalamiga ah iyo QM ayaa waxaa lagu sheegay in ay yaraadeen Falakii afduubka Maraakiibta ee ka dhacayay Badweynta Hindiya iyo marinada kale ee Carabta iyo Soomaaliya.

Warkaan ay soo saareen ciidanka badda dowladda Iran,ayaa waxaa uu kusoo aadayaan xili qaar kamid ah ciidamada bada ee dowlada Iran ay dib uga laabteen howgalka ladagaalanka kooxaha burcad badeeda soomaalida.