HALISTA KISMAAYO: Horjooge Axmed Madoobe oo Itoobiya kula heshiiyay in ardayda ciidan loogu soo tababaro(Warbixin)

0

Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni ee Axmed Madoobe iyo hoggaanka ismaamulka Itoobiya ay gacanta ku heyso ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhowaan waxay gaareen heshiis labada dhinac ay ku kala saxiixdeen magaalooyinka Nairobi iyo Adis-Ababa kadib booqasho uu ku tegay halkaasi Horjooge Axmed Madoobe.

Axmed madoobe oo ah nin dhiigya cab ah ayaa si qasab ah Jigjiga uga dejiyay dhallinyaro reer Kismaayo ah oo dhowaan dhameystay barashada dugsiga sare.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in heshiiska ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo Horgale Cabdi Maxamed ay ku heshiiyeen in dhallinyarada reer Jubbooyinka si ciidan ahaan ah loogu soo tababaro maamul beeleedka Kismaayo iyadoo loo adeegsanayo waji ah in tababar loo qaadayo.

Ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Itoobiya ay Axmed Madoobe u sheegtay in maamulkiisa %80 ay yihiin ciidanka kuwa isaga ku beel ah arrintaasna ay fadeexad ku noqonayso haddii ay beesha caalamka ay  ogaato.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa weli wiilasha uu ardayda u yahay ku amraya in in ay laayaan dadka shacab ah oo fikir ahaan ka soo horjeeda maamul beeleedka Kismaayo.