Dowladda Oman oo xoojinaysa xariirka ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya(Warbixin)

0

Sida uu daabacay wargeyska Muscat daily layiraahdo ee kasoo baxa wadanka Oman sii hayaha wasiirka Arimaha dibada Somalia Abdirahman Du’ale Bailah ayaa la kulmay dhigiisa wadanka Oman waxayna diirada kusaareen kulankooda xiriirka labada wadan iyo sidii dowlada Oman ay garab usiin lahayd dowlada Somalia.

Wasiirka arimaha dibada dowlada Oman Yousuf bin Alawi bin Abdullah  ayaa  sheegay in dowlada Oman ay xoojineeso xiriirka kala dhaxeeya Somalia.

Labada masuul ayaa kusoo qaaday kulankooda xaaladaha amaan ee dalka iyo sidii dowlada Oman ay uga qeyb qaadan lahayd nabad kusoo dabaalida Somalia.

Yousuf bin Alawi bin Abdullah oo ah wasiirka arimaha dibada Oman ayaa sheegay in  muhiimad gaar ay uleedahay dowladiisa amaan ay hesho Somalia madama sida uu yiri waqti dheer labada wadan uu xiriir udhaxeeyay taariikhi ah,ayna ka caawinayaan dowlada Somalia dhanka amaankka iyo siyaasad wanaaga.

Dowlada Somalia ayaa dagaal kula jirta Xarakada Al-shabab oo xiriir laleh ururka Al-Qaeda kuwaa oo sheegtay weeraro kadhacay gudaha dalka iyo wadanka Kenya oo uu kamid yahay weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarunta ugu weyn ee AMISOM ay kuleeyihiin magaalada Muqdisho ee Xalane.