Dhageyso:Masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna oo shaaciyay inay ku biirayaan maamul u sameynta gobalada dhexe

0

Maamulka Ahlusunna  ee Gobolada dhexe Dalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in ay ku biirayaan Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusunna Sheikh Cumar Sheikh C/qaadir  oo Warbahinta kula hadlay Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Galgaduud ayaa sheegay in ay Qorsheynayaan in Cududii Ahlusunna ee Gobolada dhexe ay ku biiriyaan Maamulka Gobolada dhexe.

Sheikh Cumar ayaa sheegay in Dhismaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu hada marayo Heer gabo gabo ah islamarkaana dhawaan laga dhisayo Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso