(Dhageyso) Degmada Jalalaqsi Oo Lagu Qabtay Hub Iyo Dadkii watay.

0

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaano ku dhaw.

Cumar Cismaan Macow oo ah duqa degmada Jalalaqsi oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku qabteen dad uu sheegay in dhibaato ay u geysanayeen shacabka iyo sidoo kale hub ay wateen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen 7 qof oo looga shakisanyahay xiriir in ay la leeyihiin Al-shabaab, kuwaa oo baaritaan lagu hayo.

“Howlgalka waxa uu ahaa mid amaanka lagu sugayay, 7 qof ayaan haynaa oo nabad diidka lala xiriirnayo kuwaana baaritaan ayaa ku socda, waxaan kaloo soo qabanay rag iyo hubkooda, kuwaa oo shacabka dhibaato ku hayay” ayuu yiri duqa Degmada Jalalaqsi.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgal balaaran ka wadeen degmada Jalalaqsi iyo deegaano ku dhaw, kuwaa oo dad badan lagu soo qabtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso: