Dhageysi Wareysi:Goobjooge ka sheekeynaya sida uu u socdo howlgalka Muqdisho ka jira

0

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Xalay ilaa Saaka Baaritaano Xooggan ka wada Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in Ciidamada ay Baaritaanka bilaabeen Xalay 02:00 Habeynnimo.

Ciidamada ayaa Baaritaanada ka wada Xaafadaha Buulaxuubeey iyo  Bangaariyada,waxaana la sheegay in Guryaha ay baarayaan Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay Baaritaanka ku qab qabteen Tiro dad ah oo Qaarkood la siidaayay,halka kuwa kalena Xabsiga loo Taxaabay.

Saraakiisha  Amaanka Soomaaliya wali kama hadlin  Baaritaanka Ciidamadu ay ka wadaan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Halkan ka dhageyso: