Deg-Deg Dhageyso:Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Xaawo Cabdi iyo duqii Afgooye oo geeriyooday

0

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Xaawo Cabdi Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in  Goordhaw Qarax lagula Eegtay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Saarna Gaari Nuuca Raacadaa.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu Geeystay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Ciidamadii Qaraxa loo dhigay.

Qof Goobjooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa 2 Askari,halka ay ku dhaawacmeen ilaa Labo kale oo iyagana ah Ciidamada Qaraxa loo dhigay.

Ciidamo kamid ah Milatariga ayaa goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray,iyagoona qaaday Meydadka iyo Dhaawacyada Qaraxa uu Sababay,waxaana Askartii Dhaawacantay la geeyay Isbitaalka Xaawa Cabdi.

 Halkaan Hoose ka dhageyso Codka