Deg-Deg: Ciidamo Turkiyiin Ah oo Maanta La Keenay Muqdisho

0

Warar Xaqiiq ah oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Maanta Magaaladda Muqdisho loo soo daabulay Ciidamo gaar ah oo ka socda Dowladda Turkiga.

Ciidamadan ayaa yimid ka hor inta uusan soo gaarin Muqdisho Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxtooyada Dalka Turkiga ayaa Xaqiijisay Horaantii bishan in Madaxweynaha Turkiga uu soo boqon Doono Mar kale Magaaladda Muqdisho.

Racep Tayyip Erdogan ayaa soo booqday Soomaaliya Sanadkii 2011kii xiligas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga.

Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan hadlin Wararka sheegaya iney Soo gaareen Muqdisho Ciidamo gaar ah oo ka socda Turkiga kuwaas oo loogu talo galay Xaqiijinta Ammaanka Madaxweynaha Turkiga balse waxa ay xaqiijiyeen Immaanshihiisa Caasimadda Muqdisho.