Col. Cukaash oo ku xiran xabsiga dhexe ayaa maanta lagu soo hadal qaaday kulankii baarlamaanka

0

Iyadoo  mudo uu xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho  ku xiran yahay korneel Cismaan Cilmi Guure “korneel Cukaash’ kaas oo loo xiray Gabay uu ka tiriyey dhibaatada haysta Ciidamada xoogga dalka islamarkaana uu ugu magacan daray fariin Qaran ayaa maanta waxa lagu soo hadal  qaaday Xarigiisa kulanka Baarlamaanka .

Xildhibaanada ka hadlay xariga korneel  Cukaash waxa ka mid Xidhibaan kulalihi, isaga oo Gudoonka Baarlamaanka weydiiyey ,wuxuu kala socdo arrinta ku aadan xiritaanka Cukaash, waxa uu  mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Gudoon  ka codsaday in ay ka qayb qaatan siideynta  korneel Cismaan Cilmil Guure .

Sargaalkaan ayaa xiritaankiisa waxa horay amar ugu baxshay sida la sheegay Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe .

Dhowr jeer oo loo balamay in Maxkamad  la soo taago dib ayey u dhacday,Iyadoo aan laga warqabin Xariga Kornelka ayaa waxaa Banaanka soo dhigtay Warbaahinta Muqdisho.