Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu dilay masuul ka tirsanaa maamulka Afgooye

0

War lagu Qoray Warbaahinta Qoraaladaa ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay leedahay Mas’uuliyada Weerarkii Qaraxa ahaa ee lagu dilay Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Afgooye  Alle ha u naxariistee  Cali Caddoow.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Dilkaasi Fulyeen Dagaalyahano kamid ah Shabaab oo qaabilsan sida ay sheegteen Qaarajinta Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah.

Cali Caddoow iyo Labo kamid ah Ilaaladiisa ayaa Barqadii Maanta lagu dilay Degaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabellaha Hoose,kadib markii Qaraxa loogu Xiray Gaari Qooqan ah oo uu watay.

Cali Caddoow ayaa la filayay in loo Caleemo saaro Duqa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,inkastoo uu Alle oofsaday oo ay tiisa inta ku Ekeeyd.