(Warbixin) Ciidamada Itoobiya oo howlgal gaar ah ka billaabay magaalada Baydhabo+Ujeedka?

0
Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta Halkasi uu ka socdo Howlgal balaaran oo laga sameynayo Dhamaan xaafadaha Baydhabo.
Ciidamadasi waxa ay raadinayaan dadkii ka dambeeyay Dil xalay loogu geystay Magaaladda Baydhabo Wadaad caan ah oo lagu magacabayay Sheekh Shariif Sayid Cali Shariif Nuurow.
Wariyaha Radio Dalsan ee Magaaladda Baydhabo ayaa soo sheegaya in Maanta howlgalka uu saameeyay dhamaan Xaafadaha Magaaladda.
Sheekh Shariif Sayid Cali Shariif Nuurow ayay rag hubeysan Xalay ku dileen Magaaladda Baydhabo kadib markii uu ka soo baxay Salaada Maqrib.