Top News:Beesha Baalcad Absame Oo Ka Cabanaysa Maamul Xumada Axmed Madoobe.

0

KU: Beesha Caalamka

KU: Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya

KU: Madaxda Dowlad Goboleedka Jubaland

KU: Maamulka Urur Goboleedka IGAD

KU: Waxgaradka Umada Soomaaliyeed

Ujeedo:- Cabasho

Dhamaan odayaasha indheer garadka ah , aqoon-yahanada culumaa’u diinka , ururka dhalinyarta, iyo ururka haweenka ee Beesha Baalcad Absame waxeey kulankoodii sanadlaha ahaa oo aay ku qabteen magaalo madaxda muqdisho aay kagasoo saareen war murtiyeed ku dheehantahay Cabasho ineey gaarsiiyaan umada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

Wada-Tashi dheer kadib iyadoo Beesha Baalcad Absame ay kamid ahayd beelihii Soomaaliyeed ee kasoo jeeday Kablalax daarood oo horey uga waayey Dowlada Dhexe ee Federaalka ah saamigoodii maamul oo aay xaq u lahayd sida kuraastii ay ku lahaayeen Baarlamaanka sare ee dalka ,wasiirada,agaasimeyaash I.W.M islamarkaana Cabasho Cod dheer ah ku muujiyey arintaas ayaa haatana marlabaad waxeey beeshu walaac balaaran ka muujineysa maamulka jubaland oo Gacan bidixeen cad ku wada beesha ,sidoo kale waxaan Ugaas C/laahi Cali Sonkor oo bedalay ugaaskii hore Ugaas Cabdi Cali sonkor ku wargelineynaa inuusan luminin xaquuqda beeshu leedahay.

Codsi

Hadaba beesha Baalcad absame waxey ka codsanayaan dhamaan cida aay warqadani sida tooska ah ugu socoto in xuquuqdoodii la duudsiiyey ay helaan;

Sidoo kale dhamaan Ugaasyada Beesha Kumade iyo madaxda maamulka jubaland waxeeynu ka codsaneeyna ineey noo ogolaadaan in beesha baalcad absame ay ku yeeshaan baarlamaanka jubaland xubno dhawr ah oo kagasoo muuqda fadhiyada golaha shicibka jubaland iyadoo loo eegayo deegaanada aay beeshu degto oo ah kuwa hoos ku xusan:-

1. Deegmada Jilib

2. Deegaanka Hoombooy

3. Deegaanka Bilisaa

4. Deegaanka gaduudeey

5. Deegaanka Baanahoom

6. Deegaanka Buulo banaan

7. Iyo magaalo madaxda jubaland ee kismaayo

 

Qeyb kamid ah xubnihii goobjoogeyaasha ka ahaa shirka

 

1. Ugaas Maxamed ugaas abuukar ugaas guure

2. Dr. Maxamed yuusuf cismaan

3. Dr. Maxamed cabdi guuleed

4. Nabadoon Qaliif cabdi shire

5. Suldaan Xassan xaaashi cali

6. Md.Cabdi fataax maxamed cismaan

7. Eng.Jabriil maxamed dheere

8. Cali xulbaale cabdulle

9. Maxamed guure

10. C/shakuur c/laahi xasan

11. Cabdiraxmaan c/laahi xasan madoobe

12. Santuur cabdi xaad

Waxii faahfaahin dheeri ah fadlan nagalasoo xiriir

Contact us: Tell. +252615142024

Second +252618249415