Ciidamo U Soo Socda Soomaaliya oo Tababar Loogu Soo Xiray Dalka Magaaladda Kampala

0

Magaalada Kampala ee dalka Uganada waxaa lagu soo gaba gabeyay tababar socday mudo seddex toddobaad ah oo la siinayay ciidamo Afrika ka socda oo gaaraya 1,600 kuwaas oo sida la sheegay loogu talagay in ay dalka soomaaliya qaar ka mid ah ay soo gaari doonaan.

25 koox oo ciidanka tababarka qaatay ah ayaa horay waxaa la sheegay in ay ka qeybgaleen barnaamij tababar ah oo socday mudo toban toddobaad ah kuwaas oo ay ku lug lahaayeen wadamo kale oo Afrikaan ah.

Macalimiinta bixiyay tababarkan ayaa waxaa ay ka socdeen ciidanka lagu magacaabo Mercian Regiment kuwaaso ah ciidanka lugta dowlada Ingrisiika kana socda ilaa shan dowladood una sameysan sida boqortooyo sidoo kalena loo yaqaano wadnaha ciidanka lugta ingiriiska The Heart of England’s Infantry.

Wargeyska lagu magacaabo Lichfield Mercury, ayaa waxaa uu shegay in saraakiisha tabbarkaasi bixiyay in ay ku laabteen dalalkooda,kadib markii uu diyaariyay boqolaal ka mid ah ciidamo loogu talagalay in ay ka qeyb-galaan howgal-ka ka socda wadanka ay dagaaladda aafeeyeen ee somaliya.

Kornel Chris Carter, oo ah taliyaha guud ee MERCIAN, ayaa sheegay, in ay si adag u tijaabiyeen awooda ciidanka ay tababarka siiyeen, isagoona hadlkiisa sii raaciyay in jawaab uqalanta in ay ka bixin doonaan hanjabaada kala duwan ee werarada ah ee ay la kulaan,isagoona ugu danbeyn sheegay in ay yihiin asker qibrad wanaagsan leh.