(Sawirro) Cristiano Ronaldo oo markii saddexaad ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or.

0

Xidiga Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal marinta loo yaqaano Ballon d’Or ee ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan Dunida sanadka 2014, iyadoo ay tahay markii saddexaad oo uu ku guuleysto.

Munaasabad ka dhacday magaalada Zurich ayaa waxaa ka soo qeyb galay xidigo caan ah oo horay kubada cagta u soo ciyaaray, waxaana bixinta abaal marinada lagu sharfayay xidigo hore oo gudoonsiinayay ciyaaryahanada ku guuleystay abaal marinada sanadkii hore.

Ronaldo ayaa abaal marinta waxaa uu kaga guuleystay xidiga Barcelona Lionel Messi oo horay afar jeer abaal marinta ugu guuleystay iyo goolhayaha reer Jarmalka ee u qaaday Koobkii Aduunka sanadkii 2014 Manuel Neuer.

Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu farxay markii lagu dhawaaqay inuu abaal marintan uu ku guuleystay, isagoo markii uu soo istaagay cod baahiyaha farxad uu hadalka ugu soo bixi waayay muddo daqiiqado ah.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in abaal marintan uu ku guuleysto sanadkii labaad oo isku xiga, waxaana uu amaanay ciyaaryahanadii kula tartamayay abaal marintan sida Lionel Messi iyo Manuel Neuer.

Sidoo kale ciyaaryahan James Rodriguez ayaa ku guuleystay bilada ciyaaryahankii ugu goolasha qurxanaa sanadkii 2014, isagoo gool aad u qurxanaa wareegii 16 koobkii Aduunka ka dhaliyay xulka Uruguay, waxaana uu ka guuleystay ciyaaryahan Van Persie goolkiisa taariikhda galay ee uu madaxa isagoo duulaya ka dhaliyay xulka Spain iyo gabadha u dhalatay dalka Irland oo iyana gool qurux badan dhalisay.

Ciyaaryahanada ugu wanaagsan Gabdhaha ciyaara Kubada Cagta ayaa waxaa ku guuleysatay gabadha u dhalatay Jarmalka Nadine Kessler, waxaana ay iyana kaga guuleysatay abaal marintan Gabdhaha kala ah Marta oo reer Brazil ah iyo Abby Wambach.

Tababaraha ugu wanaagsan Tababarayaasha Caalamka ayaa waxaa ku guuleystay tababaraha reer Jarmal Joachim Low, kaasoo xulkiisa kula guuleystay Koobkii Aduunka ee Brazil lagu marti geliyay sanadkii hore, waxaana uu abaal marintaas kaga guuleystay Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti iyo Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeoni.

Ugu dambeyn waxaa la soo saaray Kooxda ugu fiican Aduunka ee FifaPro oo ah 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa sanadkii hore, sida goolhaye, daafacyada, dhexda iyo weerarka, waxaana ay kala yihiin Manuel Neuer (Bayern Munich/Germany), Philipp Lahm (Bayern Munich/Germany), Thiago Silva (Paris Saint-Germain/Brazil), David Luiz (Chelsea/Paris Saint-Germain/Brazil), Sergio Ramos (Real Madrid/Spain), Angel Di Maria (Real Madrid/Manchester United/Argentina), Toni Kroos (Bayern Munich/Real Madrid/Germany), Andres Iniesta (Barcelona/Spain), Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Portugal), Lionel Messi (Barcelona/Argentina), Arjen Robben (Bayern Munich/Netherlands).

ronaldo (8)ronaldo (6)ronaldo (2)ronaldo (1)ronaldo (3)ronaldo (4)ronaldo (5)ronaldo (7)ronaldo (9)