Dhageyso:Xildhibaan Maxamed Seesey ''Xukuumad tayo ah ayaa jirta sababtoo ah Wasiirada waa rag wanaagsan''

0

Xildhibaan  Maxamed Maxamuud Seesey oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay  Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan Seesey ayaa sheegay in Wasiirada la soo Magacaabay ay dhamaan yihiin kuwo wax qabad kooda horay loo Arkay islamarkaana loo baahan yahay in Baarlamaanka ay Codka kal soonida siiyaan.

“Waxaan Amaanayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo sameeyay Karti iyo Hufnaan islamarkaana soo dhisay Wasiiro dalka Samata bixin kara”ayuu yiri Seesey.

Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay sheegeen  in aysan Codka siin doonin Wasiiradda Cusub ee Soomaaliya,kadib markii ay sheegeen  in Ra’iisul Wasaaraha uu Baarlamaanka balantii  ugu baxay.

Halkan ka dhageyso: