Warqad Furan: Mareexaan Sade Sadex Arimood Mid Doorta.

0

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Waxaan salaamayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana dadka u dhashay beesha Sade ASC WR WB.
Bacda Salaan, Waxaan ahay shaqsi u dhashay beesha Sade, waxaana doonayaa inaan warqadan furan u diro dhamaan dadka ku batirsada Beesha Sade.

Walaaleyaal sidaad la socotaan dalka Dowlad Soomaaliyeed oo cadaalad ku dhisan ama ku shaqeysaa kama jirto, Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya ayaana dalka siday doonaan u maamusha, si wanaagsana waad uga dharagsan tihiin Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya inaysan maqli karin magaca Mareexaan ama Sade, Qabiiladi kale ee Soomaaliyeedna waxay isu dhiibeen ama u raran yihiin (Shaqaale) u yihiin dowladaha deriska la ah Soomaaliya, Maxaa Xal Noo Ah Hadaa Nahay Mareexaan?

Gabi Ahaan deegaanada Dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Maamul goboleedyo dhamaantood hoostaga dowladdaha deriska la ah Soomaaliya, dhamaana maamuladaas ma uu jiro mid aan wax lagu yeeleeynayn shaqsi u dhashay Beelaha Mareexaan, haddii uu jiro maamul aan wax lagu yeeleynayna waxuu ka yahay ayaanba jirin deegaankaas, waxaas oo dhib ah oo loo geesanayo beesha Sade waxa soo amrayana waa dowlaha deriska la ah Soomaaliya, kuwa naloo adeegsanayana waa kuwo muuqa Soomaali uga eg, balse aan lahay dhaqan iyo Damiir Soomaali.

Soomaalinimo majirto, Cid Soomaali ah oo idin doonaysaana majirto, cid idiin diirnaxaysana majirto, waxaana Daliil u ah sida Ragiina iyo Maxaastiina loo dooxayo, waana hubaa hadaan soo jeesano ama kacno inaan dhamaan cadowgaas kawada adag nahay.

Markaan eegay intaas oo dhan ayaa waxaa ii muuqata inaan Beesha aan u dhashay ee Sade weydiiyo, Mareexaan Sade Sadex Arimood Mid Doorta?

1- Inaan Ka Mid Noqono Soomaalidan Gumowday oo Ku Dayano Qabaa’ilka Kale Ee Soomaalida Sida ay ugu adeegayaan Cadowga Dalka Soomaaliyeed oo aan weliba uga dheereyno kaba qaadnimada, Soomaalida kalena ku gumaadno sida naloogu gumaadayo (Ileen Arinta Maanta Waxay Maraysaa intaan aniga dhiman lahaa adiga dhimo’e).

2- Inaan Gunimadan Baahday Aan ku Jirnoo maalinba afar inaga mid ah meel maydkooda laga helo, iyadoo la garanayo cidii dishayna aan laga hadlin ama jawaab laga bixin ama loo aarin.

3- Inaan Gobanimo Ku Dhimano oo aan dagaalka cad ee nalagu soo qaaday ee islamarkaan dadkayaga lagu gumaadayo, anagana geestayada ka qaadno oo waxii dhimanaya ay dhintaan awalbuusan jirin nin ku waaraya dunida ee aan ku dhimano Gobanimo waarta oo iska dulqaadno duligan la doonayo in nala bado, markaan iska dulqaadnana xataa Soomaalidan Gumowday ee isu dhiibtay cadowga dalkeena qudhooda aan xoreeyno.

Awooweyaal, Adeerayaal, Abtiyaal, Habaryaro Eedooyin Walaaleyaal iyo Seediyaal meel walbaa oo aad joogtaan intaa dib isugu laabataan adinkoo dhan walba ka eegaya Marxalada guud ee jirta iyo intaas aan soo sheegay, sida dhanka Dowlada kuwa sheegta iyo maamul goboleedyada, waxa idinka maqan, waxa laydiin geestay, sadexdaas arimood mid aan u isku raacno, waan hubaa sadexdaas arimood haddii aan mid isku raacno, inaan kooxahan weerarka nagu ah dhamaantood ka adagnahaye.

Gabagabadi waxaan aniga qabaa shaqsiyan fikirka ah in Nin waliba oo u dhashay Beesha Sade (Mareexaan) inuu qorigiisa qaato oo aan cadowgan dagaal dhab ah la galno ma noolaanayno oo qof walbaa waa uu dhimanayaa ee Awooweyaal, Adeerayaal, Abtiyaal, Habaryaro Eedooyin, Walaaleyaal iyo Seediyaal Gobanimo aan u dhimano oo aan cadowga leeynaya Waayeelkayaga, Raggayaga, Haweenkayaga iyo Caruurtayada aan iska dhicino oo aan ku qaadno dagaal aan kala joogsi lahayn waxu waa cadow’e gun ah’e, kadibna aan xoreyno Soomalaida Gumowday ee Awliya ka dhigtay cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq

Maxamed Cumar Guuleed
Nairobi, Kenya