(Dhageyso) Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo oo hadalo isweydaarsaday.

0

Duq ku xigeenka magaalada Gaalkacyo ee Puntland Yacquub Maxamed Cabdulle ayaa ku eedeeyay koonfurta gaalkacyo ee Galmudug in ay ka yimaadaan dadka falalka qaraxyada iyo amaan xumida ka geysta dhanka waqooyi ee magaalada.

Waxa uu u digay Yacquub dhinacyada ka soo kacaya koonfurta waalidiinta dhashay isagoo sheegay in maanta wixii ka bilowday ay gaalkacyo galeyso xaalad amni aysanna hadhow soo donan karin wiilkii la qabto isagoo falal amaandaro ah gacanta kula jira.

Waxa uu intaasi ku daray in Gudoomiye ku xigeenka Gaalkacyo in hadii Galmudug ay ka maaranto amaanka ay dhankooda garanayaan sidii ay u sugan lahaayeen amaankooda,

Dhageyso codka Gudoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee Puntland Yacquub Maxamed Cabdalle .

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka Koonfurta Gaalkacyo ayaa ayaa isana ka hadlay arinta eedeynta ah ee uu jeediyay gudoomiye ku xigeen Yacquub isagoo sheegay in eedeyntaasi ay tahay mid aanu ka fiiran masuulka Puntland ayna koonfurta gaalkacyo aheyn goob gabaad siisa Alshaabab waasida uu hadalka u dhigaye.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay amaan darida ka jirta magaalada Gaalkacyo, waxaana ay aheyd todobaadkan markii qarax lagu la eegtay iskoolka Yameys macalimin wax ka dhigayay .