Dhageyso:Ahlu Sunna oo xilkii ka xayuubisay guddoomiyihii Fulinta + Sababta?

0

Kulan ay yeesheen qaar kamid Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa waxaa ay xilkii uga Xayuubiyeen Gudoomiyihii Golaha Fulinta Maamulkaasi Sheikh C/risaaq Al-ashacari .

Sh Cumar C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusunna ayaa sheehay  in Sababta Xilka looga qaaday Al-ashcari ay tahay in Waqtigii uu ka dhacamada  sidaa daraadeedna Xilkii laga qaaday.

Sidoo kale Gudoomiye Sheikh Cumar ayaa sheegay in Xilka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii Golaha Fulinta aysan keenin Khilaaf u dhexeeya Ahlusunnada Gobolada dhexe.

Ahlusunna ayaa Al-ashcari ku badashay Maxamed Axmed Faarax oo hada noqday Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Waljameeca.

Halkaan Hoose ka dhageyso