Ammaanka wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo si aad ah loo adkeeyay (Sabab).

0

Ammaanka wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Ciidamo badan la dhigay wadooyinka, kuwaasoo baaritaan ku sameynayay gaadiidka kala duwan ee dadweynaha, waxaana maanta laga dareemay magaalada howl galada ay ciidamada sameynayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaan ka duwan kuwii hore ku sameynayay gaadiidka, waxaana dadka saaran lagu amrayay inay gaariga ka degaan, si loo baaro, iyadoo baaritaanada ay muddo qaadanayeen.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada ayay ciidamada waxay ka fadhiyeen hareeraha, iyagoo gawaarida ku istaajinayay meelo cayiman, waxaana la arkayay gawaari badan oo safaf ugu jiray baaritaanka.

Intii uu socday baaritaanka waxaa aad saxmad u ahaa wadooyinka oo ay adkeyd in gawaarida ay si dhaqsi leh isaga kala gooshaan.

Saraakiisha Ammaanka ayaa shalay sheegay inay ka war hayeen gaariga la doonayay in qaraxa lagu fuliyo, inkastoo weerarkaas lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Howl galadan ka socda wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laamaha ammaanka ay bilaabeen feejignaan dheeri ah tan iyo markii uu sanadka cusub ee 2015 uu dhashay.