Ururka Saxafiyiinta MAP oo cambaareeyay weerarkii Radio Gaalkacyo.

0

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland, Faysal Khaliif Barre ayaa cambaareeyey weerarkii Bambada ee lagu weeraray Xarunta Radio Gaalkacyo.

Faysal wuxuu sheegay in ay ka xun  yihiin weerarka ay ku dhaawacmeen wariyaasha Radio Gaalkacyo ayna u rajaynayaan caafimaad waara.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP wuxuu ku tilmaamay weerarka lagu qaaday Xarunta Idaacadda inuu ahaa mid axmaqnimo ah kuwa gaystayna waan cambaareynaynaa waxaana dhibta la qayb sanaynaa shaqaalaha iyo maamulka idaacada soo gaaray” ayuu yiri Faysal Isagoo sii raciyey in Maamulka Puntland looga baahan yahay baaritaan xoogan oo lagu baaro fal dambiyeedkan Cidda gaysatay.

Xalay waxaa weerar bam lagu weeraray idaacada Gaalkacyo waxaana dhaawac uu ka soo gaaray labo wariye oo hada dhaawacoodu yahay mid fudud yahay.

Gaalkacyo waxaa lagu bartilmaameedsadaa wariyaasha ka howl-gala idaacadaha, dhowr jeer ayaa wariyayaal lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.