Daawo sawirada :- sida looga soo dhoweeyay sanadka cusub ee 2015 qaar kamid ah wadamada caalamka.

0

Qaar ka mid ah wadamada caalamka gaar ahaan wadamada ku yaal geeska Bari ee adduunka ayaa u dabaaldegey sanadka cusub ee 2015.

Dabaaldegyadii ugu horeeyay ayaa waxa ay ka bilowdeen wadamada New Zealand iyo Australia iyadoo kumanaan ruux ay magaalooyinka waaweyn ee dalalkaas ku soo bandhigeen fantasiyo damaashaad la yaab leh.

Saacad weyn oo ku taal magaalada Auckland ayaa markii ay gaartay xilligii saqda dhexe ayaa dabaaldeg iyo damaashaadku uu bilowday.

Hal malyan iyo shan boqol oo ruux ayaa isugu soo ururay xeebta magaalada Sydney iyagoo daawanaya bandhigga baaruuda iyo iftiinka leh ee halkaa sanad walba lagu soo bandhigo.

Hase yeeshee wadanka Indonisia ayaan dabaaldeg la sameyneyn iyadoo la tixgelinayo burburka ku yimid diyaaradii AirAsia Flight QZ8501.

new year  (1)new year  (2)new year  (3)new year  (4)new year  (5)new year  (6)new year  (7)new year  (8)new year  (9)