MAQAAL MUHIIM AH: Reer Awdal Maaha Dad Nabadgalyadooda Qori Lagu Ilaalin Karo.

0

Waxaan halkan salaan qiimo leh uga soo gudbinayaa akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan warbaahinta ku hadasha afsoomaaliga intaas ka dib hadaan u soo daa dago dulucda maqaalkayga oo ah halka ay qabyaaladu inaga gaadhay hadaan nahay dadka soomaaliyeed gaar ahaan waxaan maanta awooda saarayaa gobolka Awdal.

Markaan dib u raacno taariikhda dhaqameedka reer Awda(lHalkan Ka Akhri Taariikhda Reer Awdal) waxa ay ahaayeen umad soo jirtay qarniyo aad u fog kuwaas oo u badnaa xoolo dhaqato reer mi’i ah iyagoo ay ku yarayd in ay guur guuraan sababtoo ah dhulka ay daganaayeen ayaa ahaa dhul aad u barwaaqo badan dhinac kaste marka aad ka eegtid waxa ay ahaayeen umad ay u dhamaystiran tahay wax walba oo uu u baahan yahay qof in uu helo.

Taariikhada hore u soo jirka ah ee Dadka Awdal degan waa mid sal iyo raad ku leh gabi ahaanba Somalia gaar ahaan Qaybta Gobolada Waqooyi Halkaasi oo ah meesha sida rasmiga ah ay degan yihiin.

Hadaba dadkani waxaa lagu magacaabaa dad matali kara bulsho weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, waana dad kasbaday arintaasi qaybo badan oo udub dhexaad u ah qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin (dadnimo la dhaqan, Aqoon, Waayo aragnimo iyo xeeldheeri).

Reer Awdal waa dadkii ugu horeeyay ee madaxtinimo Soomaaliya ka sameeya taasi oo ahayd Boqortooyadii (Ifad/ Adal Empire) oo ay fadhiisimaheeda ugu waa weyn ahaayeen Gobolka Awdal, waa meesha uu magaca Awdal ka yimiday.

Gobolka Awdal waxaa uu ka tirsanaan jiray duulimaadkii Ingriiska, waxaanu ahaa gobolka Awdal halkii ugu horaysay ee uu ka soo galo Ingiriisku markii u soo dagayay Somaliland ama gobolada waqooyi ee Somalia.Madashii ugu horaysay ee qorshaha ugu jirtay in uu dego waxay ahayd Magaalada Saylac oo markaasi hoos iman jiray ismaamulka Adal Empire.

Hadaba dadka degan gobolka Awdal waa dad aan lagu aqoon in ay qabyaalada ku dheereeyaan maxaa yeelay haday qabyaalada ku talax tagi
lahaayeen halka ay maanta joogaan may joogeen.

Aan ka soo qaadano markii la samaynayay Somaliland 1993 waxa la fadhiyay Borama mudo gaadhaysa 6 bilood hal erey ama hadal ka soo yeedhay oo ah in ay qabyaaladeeyaan walaalahooda martida u ah ee u dhiibtay in ay hogaaminayaan ma jirin.

Aan u gudbo magaalada Borama oo ah caasimada gobolka Awdal waa magaalo marka ay dadku maqlaan niyadooda ku soo dhacda labo shay oo kala ah Nabadgalyo iyo Aqoon.

Daliilka ah in Borama ay ku talaabsatay horumar iyo nabadgalyo waxa aan ka soo qaadan karnaa maqaal ku qornaa joornaalka ka soo baxa caasimada Kenya ee Nairobi lana yidhaahdo Daily Nation uu kaga sheekeeyay horumarka iyo nabada ka jirta magalada Borama isagoo ku sheegay in ay tahay magaalada ugu amniga badan geeska Afrika(Halkan Ka Akhriso Maqaalka) isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu sheegay in dadka Soomaalida wax bartay ay ka yimaadeen gobolka Awdal, dadka haysta shahaadooyinka ugu sar sareeya Soomaalidana ay 90% yihiin dadka degan gobola Awdal.

Hadaba Maxaa ay tahay sababta aan imika u aragno saan saan qabyaaladeed oo ka soo ifbaxaysa gobolkeena Awdal.

dadka qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay sabab u tahayshaqaaqooyinka ka jira gobolka maalmihii la soo dhaafay halka ay qaarna u arkaan in ay soo bilaabantay xiligii lagu jiray in magaalada Borama lagu soo dhaweeyo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Sida aan filayo idinkuna aad ila qabtaan weli dadka degan gobolka Awdal waxa ay u bisil yihiin in ay aayahooda ka tashadaan iyagoo xeerinaya dhinacyo farabadan.

Aan jaleecno hadaladii ka soo yeedhay suldaan Abubakar Cilmi Wabar.

Suldaan Wabar waa shaqsi aan anuu si dhab ah u aqaano mana doonayo wax aan ahayn in uu dhalinyarta aan ka midka ahay waxa ay beri la kulmi lahaayeen uu u sii gogol xaadhayo uuna jecel yahay in ay dhalinyarada gobolkan ku nool ka helaan waxa ay sharciga u lahaayeen mana rabo wax dheeri ah.

Odayada aan taladooda ka dambaynaa waa udub dhaxaadka nabada ay reer Awdal ku faanaan iyaguna waxa ay dhawrayaan in wixii la ilaalinayay mudada dheer ee ahayd nabad galyada aan ugu faano qayrkayaga ee looga yimaado meel walba oo ay somalidu dagto ayna ku bur burin si dhayal ah oo aan laga fiirsan iyagoo ku doodaya in arin marka la gaadhayo loo baahan yahay in la isla ogaado oo nina uu dhiishiisa buuxsanin iyadoo aan la ogayn.

Waxa aan guntii iyo gebo gabadii leeyahay dhalinyarada iyo wax garadka reer Awdal in aan sidii la inagu yiqiinay ee ahaa wadatashiga iyo isku
tanaasulka aan muujino oo wixii inaga hor imanaya aan iska qabano.

Ugu dambayntii waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa in wanaaga iyo tixgelinta reer Awdal yahay waxa ay Somaliland ku dhisan tahay ciidamada la keenay gobolkana ay uga lexe jeclo badan yihiin nabada ay leeyihiin waan ilaalinaynaa.
WA BILAAHI TAWFIIQ

Abdirashid Abdi Jama (Rashka)
Free Journalist
Borama Awdal

The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.