DHAGEYSO+SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiwali Oo Kullan La Qaatay Wafdi Ka Socday Jaamacada Carabta…

0

Muqdisho, AGGM:Wafdi  ka socda Jaamacada Carabta oo uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait Sheikh Sabaax Khaalid ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya ahna wasiirka Awqaatfa iyo Arrimah Diinta Ridwaan Xirsi Maxamed,iyadoona intaa kadib loo galbiyay Xarunta Xalane ee ku taala Garoonka Muqdisho.

Wafdi ayaa waxaa uu kulan la leeyhaya Madaxda  ugu sareeysa Dalka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed,waxaana Kulanka Goobjoog ah Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya.

Wariyaha Radio Kulmiye Maxamed Xasan Qeys oo ku sugan Madasha uu kulanka kasoconayo ayaa soo sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay hada kulan Warbaahintu banaanka ka joogto ay la leeyihiin Xubnaha Wafdiga ka socda Jaamacada Carabta.

Wafdiga ayaa laga yaabaa in Madaxada dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kala hadlaan Arrimo ay kamid yihiin Khilaafka u dhaxeeya iyo Amaanka Dalka intaba.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

xas xas1 xas2 xas3 xas4 xas5 xas6 xas7

xas8

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com